Somali News

Ciidamada Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay rag looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerar ka dhacay Kismaayo

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen hoyga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Jubbaland, kaasi oo lagu magacaabo Cabdi Baaley Xuseen

Weerarkaas ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ilaalo u ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa KNN u Sheegay in weerarka Bambo gacmeed kadib la maqlay rasaas fureen ciidamada Jubbaland, iyadoona cidna wax ku noqon rasaastaasi.

 Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa xalay ilaa iyo saakay baaritaano ka wada xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil maamulka Jubbaland ayaa KNN u sheegay in gacanta lagu dhigay saddex nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarka, islamarkaana lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa maalin ka hor sheegay in Maamulka Jubbaland uu heegan geliyay Ciidamadiisa sababo la xiriira sugida Amniga degaannada Jubbaland, kadib markii dilal qorsheysan iyo qaraxyada ay ka dhacayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbaland.

 Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland ayaa ka codsaday dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, xili dhawaan magaalada Kismaayo lagu qaban doorashada xildhibaannada cusub baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose