Somali News

Ciidamada NISA oo Taallada Daljirka ku dilay sarkaal ka tirsanaa booliska

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu maraayey fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, waxaana rasaas lagu furay gaari uu watay, sida aan xogta ku helnay.

Abkoow ayaa mudo dheer lasoo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow.

Ciidamo ku sugan taallada Daljirka oo la sheegay inay ka tirsan yihiin NISA ayaa dilay marxuumka, xilli uu ka yimid dhanka degmada Boondheere, lamana oga weli sababta keentay dilkiisa.