Somali News

Ciidamada Puntland oo dil iyo dhaawac ka geystay Gobalka Bari

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay soo qabteen rag waddooyinka u geli jirey gaadiidka.

Ciidanka ammaanka Puntland ee gobolka Karkaar ayaa amar lagu siiyey inay gacanta ku soo dhigeen dhowr ruux oo lagu eedeeyey inay horay gaadiid laamiga ugala degen dhowr jeer isla markaana iska caabin kala horyimid ciidanka ammaanka.

Iska horimaad koobaan oo dhexmaray ciidanka iyo kooxda Burcada ayaa la sheegay in Hal qof uu ku dhintay, halka labo kalana ay ku dhaawacmeen,iyadoona qof kale uu baxsaday.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay dagaal adag la gali doonaan kooxaha dadka dhibaateeya.