Somali News

Ciidamada Puntland oo qabtay Qarax la dhigay Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland ayaa soo sheegaya in maanta ay Ciidamada amaanka ay qabteen Qarax la soo dhigay bartamaha magaalada.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka la geliyo ayaa lagu soo qariyay Gasac Caano booro oo la dhigay meel muhiim u ah isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha. Yuusuf Maxamed Waceys Gudoomiyaha Gobolka Bari oo shir Jaraa’id ku qabtay M/ Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa xalay la dhigay Soonaha Baxayo ee magalada Boosaaso, halkaas oo Ciidamada Puntland ay fariisin ka dhigtaan xilliyada qaar dad Shacab ahna ay ku badan yihiin.