Somali News

Ciidamada Xoogga oo dhaq dhaqaaqyo ka wado Deegaano ka tirsan Shabeellada Hoose

Muqdisho-KNN-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baadi goobayo dagaalamayaasha Alshabaab ay ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka.