Somali News

Ciidamada Xoogga oo howlgalo ka sameeyay Shabeellada Dhexe

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay Ciidanka Xooga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalka ayaa xooggiisa ka dhacay wadada xiriirisa  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,halkaas oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka ku safraya wadadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Maxamed Axmed Tareedisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay fariisin ka sameysteen deegaano ku dhow wadada si ay Shacabka uga difaacaan kooxaha halkaas ku dhibaateeya.

Sidoo kale, Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay bur buriyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellada Dhexe,islamarkaana ay dileen 15-dagaalameyaal iyo hoggamiyeyaal isugu jira.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday fariisimo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameysteen deegaanada ku teedsan wadada sida Qalimow iyo Haanta dheer oo ka wada tirsan Gobolka Sh/dhexe oo  markii hore shacabka ay ku dhibanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.