Somali News

Ciidamada xoogga oo la sheegay inay ka baxeen deegaan ka tirsan Gobalka Sh.Hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 12 April ay maanta faarujiyeen deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Deegaanada ay ciidanka ka baxeen ayaa waxaa ka mid deegaanka Dhanaane ee dhanka Wadada Xeebta isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo afar bilood, waxaana sababahan ugu weyn ee ay haatan difaacyada uga soo baxeen ay tahay Saad la’aan.

Taliska ciidanka xoogga iyo kan Gobalka shabeelaha hoose ayaan wali ka hadlin ciidamada maanta ka baxay deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabeelaha Hoose.