Somali News

Ciidamada Xoogga oo Maanta la wareegay deegaano u dhow Jamaame.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degaano u dhow Degmada Jamaame oo 60 KM u jirta magaalada Kismaayo ee Gobalka Hoose ayaa sheegaya in Maanta ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanadaasi.

Dadka deegaanka ayaa KNN u Sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanadaasi, islamarkaana  haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland.

Wakaalad Wararka SONNA  ayaa daabacday  in ciidamada xoogga ay gacanta ku dhigeen deegaano hoostaga degmada Jamaame.

Deeganada ay ciidamadu la wareegen waxaa kamid ah Bangiini,maana muufo iyo koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Generaal  Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah lataliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhanka ammaanka ayaa wakaalada wararka SONNA u Sheegay in Ciidamada Xoogga ay maanta la wareegeen deegaanadaasi, islamarkaana maalmaha soo aadan ay gudaha u gali doonaan Degmada Jamaame.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay  howllgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoona degaano muhiim ah ka saarayay Al-Shabaab.