Somali News

Ciidamada xoogga oo sheegay in ay howlgal ku soo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga iyo kuwa Koofur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa maanta waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaanka Awdiinle iyo deegaannada hoostaga  magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka bay.

Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa sheegay intii uu socday howlgalkaan in ay ku soo qanbteen afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiisha in ay gacanta ku hayaan dad kale kuwaasi oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed kala qeyb galay ciidamo is-abaabulay oo la magacbaxay ‘Dulmi-diid’.