Somali News

Ciidammo cusub oo la keenay isgoysyada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno qeybo kamid magaalad Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in galabta lagu arkay qeybo kamid ah Isgooysyada muqdisho ciidamadii Nabad sugidda ee dhawaan laga qaaday Isgooysyada.

Ciidamada Isgooysyada lagu arkay ayaa ku labisnaa dharka ciidamada Booliska Soomaaliya, dhawaanna ciidamadii Nabad sugidda muqdisho waxaa lagu daray Booliska.

Meelaha lagu arkay ciidankan waxaa kamid ah Isgooysyada Taleex iyo Dabka ee Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay inuu taliye uyahay Taliyaha ciidamada Daraawiishta  Jeneraal Sulub Axmed Fariin.

Askarta la keenay Isgooysyada Muqdisho ayaana la ogeyn qaabka ay wax uga badali doonaan amaanka Caasimadda.