Somali News

Ciidamo Booliis & Nabad sugid ah oo howlgallo ka sameeyay Dhuusamareeb

Waxaa Xalay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb laga sameeyay howlgallo lagu sugayay amniga caasimada Caasimadda, iyadoo howlgalkaas uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Howlgalka waxaa si wadajir ah iskaga kaashanayay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida Galmudug waxaana ay howlgalka sigaar ah uga fuliyeen waddooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb, kuwa soo gala iyo kuwa ka baxa, iyaga oo baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka yaryar oo ay dadka Shacabka ah wataan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada isku dhafka ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgallada ay magaalada Dhuusamareeb ka sameeyeen uu ujeedkiisa ahaa sidii loo adkeyn lahaa Amniga Magaaladaas.