Somali News

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay saldhiga Booliska ee Dhuusa Mareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamadaaasi ay ka mid yihiiin kuwa Booliska Galmudug

Sida wararku sheegayaan Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay la wareegeen qeybo ka mid ah waddooyinka laga galo saldhigga booliska Magaalada Dhuusa mareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan ciidanka Galmudug ay dadaal ugu jiraan xalinta tabashada ay qabaan ciidamada ee mushaar la’aanta.

Tallaabada ay Ciidamadaasi kula wareegeen Saldhigga Magaalada Dhuusa mareeb ayaa ku soo aadayeysa xili Shalay Booqasho uu Ku Tagay Xarumaha Ciidanka Galmudug Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaladda Amaan ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ah Mid qal-qal Ku jirta Maanta , Kadib Markii anteenooyinka is gaarsiinta ay go’een.

Gabi ahaanba Maanta ayaa waxaa Hawadaka Maqan Adeegga Isgaarsiinta