Somali News

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Militariga Soomaaliya oo ku dagaalamay Degmada Shibis

Muqdisho-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan militariga iyo booliiska Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska maana booliyo iyo Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Milateri ah oo ka yimid Shabeelada Dhexe gaar ahaan Balcad loo diiday in ay ka soo gudbaan kontarool ku yaala Beexaani ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la weeraray Ciidamadii booliiska ee halkaasi ku sugnaa, sida goobjoogayaal ay u sheegeen KNN.

Sarkaalka Ciidamada Milateriga hogaaminayo waxaa uu ahaa Taliyaha aagga deegaanka Biya Cadde balse dhawaan ayaa loo soo wareejiyay deegaanka Haansheekh ee duleedka Balcad.

Waxaa jira khasaare Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamay, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Dhanka kale warar kale duwan ayaa ka soo baxaya dagaaalka.

Wixii faahfaafin ah la soco.