Somali News

Ciidamo ka tirsan Soomaali iyo Libiya oo ku dagaalamay Turkiga

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya isku dhac dhexmaray ciidamo dowladda Turkiga ay u tababarayso wadamada soomaaliya iyo Libiya.

Sida wararka sheegayaan askartan oo hal xero lagu tababarayay ayaa gacan ka hadal uu dhex maray kadib markii askari ka tirsan ciidamada Libiya uu midkood toorey ku dhaawacay askari soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa, islamarkaana ay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee tababarka kula jiray.

Safaarada soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in gacan qaadka halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen 25 ruux oo isugu jira soomaali iyo Libiyan

Turkiga ayaa tababara Ciidamada Dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya oo lagu eedeeyay in uu u adeegsado fulinta daniisa gaarka ah ee waddamada colaadda iyo dagaalada sokeeyay galay ee ay joogaan howlwadeeno ka socda.