Somali News

Ciidamo Ruush ah oo ay Ukraine Maxkamadeysay 

Maxkamad ku taal Ukraine ayaa Labo askari oo Ruush ah ku xukuntay 11 sano iyo bar, kadib markii lagu helay in ay geysteen dambiyo dagaal.

Alexander Bobikin iyo Alexander Ivanov ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay. 

Labada ninba waxay ka tirsanaayeen cutubyo dhanka madaafiicda ah ,waxayna duqeeyeen iskuul ku yaalla waqooyi bari gobolka Kharkiv.

Qareenada u doodaya labadan nin ayaa ku dooday in ragan ay fulinayeen awaamiirta madaxdooda, laguna qasbay inay dambiga galaan, balse maxkamaddu way diiday doodaas.

Maxkamadeynta noocan aya ah tii labaad ee Ukraine lagu qabto tan iyo markii Ruushka kusoo duulay Ukraine.