Somali News

Ciidamo uu hoggaaminayo Gen Indhacadde oo la wareegay Daljirka-daahsoon

Taallada Daljirka-daahsoon ee degmada Boondheere oo maalinta berrito loo ballansanayahay in uu ka dhaco bannaanbax ayaa waxaa goordhaw la wareegay ciidamo taabacsan midowga musharixiinta.

Ciidamo oo uu hoggaaminayo generaal Yuusuf Siyaad Indhacade ayaa sugaya amniga dadka ka soo qeyb galaya bannaanabaxa.

Generaal Indhacade oo hadlay ayaa sheegay in u jeedka ciidankiisu ahayn in ay qalalaaso abuuraan balse uu yahay in ay difaacaan islamarkaana ilaaliyaan shacabka sida nabdoon u cabiraya aragtidooda iyo musharixiinta hogaaminaysa banaan baxa.

Indha cade ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Farmaajo uu la mid yahay sida madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad oo haatan ku sugan dalka Masar, wuxuuna xukuumada uu hogaamiyo Rooble uu ku tilmaamay kuwa aan awoodba u lahayn in ay dalka sii xukumaan.