Somali News

Ciidanka Amniga oo soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa

Ciidanka Amniga ayaa soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, kaasi oo laga soo qabtay Deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska, Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ay gaariga qabteen 11 bishaan September, xilli la doonayay in la soo galiyo gudaha Muqdisho.

“Gaarigaas nuciisu waa Tayota Landcruiser (Layla Calaawi) kaas oo ay Khawaarijtu ku soo raratay 10 Jirgaan oo ay ku jiraa baaruuda loo yaqano TNT ee qaraxyada loo isticmaalo” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanihi waday, iyada oo ay ku socota baaris waxaan la horgeyn doonaa Cadaalada.