Somali News

Ciidanka Amniga oo xiray Jeneraal Sheegow, ka dib dagaalkii ka dhacay degmada Dharkenley

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal dhexmaray Ciidanka Booliska ee sida militariga u tababaran iyo Ciidamo taabacsan sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Sheegow, kaasi oo ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada Booliska ee sida militariga u tababaran ay weerar ku qaadeen guriga uu dagana Jeneraal Sheegow oo ku yaalla degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka ay soo xireen Jeneraal Sheegow iyo qaar kamid ah askarta la joogey ee dagaalamay.

Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aan la xaqiijin karin tirada rasmiga.

Wali saraakiisha amniga ee dowladda Federaalka kama hadlin dhacdadan.