Somali News

Ciidanka ATMIS oo Al-shabaab dib kala wareegay deegaanka Ceelbaraf

Wararka aan ka heleeno deegaanka Ceelbaraf ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada dowlafda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ay dib  Ururka Al-shabaab kala wareegeen deegaankaas, kadib markii ciidanka ATMIS ay madaafiic saakay ku garaaceyn deegaanka.

Sida goob-gayaal ay u sheegeen KNN Ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa si rasmi ah u degay xeridii ay kaga sugnaayeen deegaanka Ceelbaraf, waxaana dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-shabaab ay aadeen duleedka deegaanka, xili la soo warinayo in diyaaradaha dagaalka ay dulheehaabayaan deegaanada Meertaqwa iyo Ceelbaraf oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Ceelbaraf iyo kuwa kale oo hoos yimaada waxaa ka baracay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa, waxaana ay ka baxsadeen duqeymaha diyaaradaha dagaalka, madaafiicda dhinacyada iyo dagaal toos ah oo dhaca.

Todobaadyo kahor ayey ahayd markii Ururka Al-shabaab ay dagaal culus kula wareegeen Saldhigii Ciidanka ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf, waxaana dagaalkaas oo ahaa mid fool ka fool ah ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, balse diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dagay Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Sbabaab oo hore ugu sugnaa.