Somali News

Ciidanka Booliska oo Suuqa bakaaraha ku toogtay nin hubeysan

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in maanta Suuqa Bakaaraha ay ku toogteen nin ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi la sheegay inuu dhaawac u geystay askari Boolis ah.

Ninka la dilay ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay la socdeen labo nin oo kale oo goobta uga baxsaday Mooto nooca labo lugoodleyd ah.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ninka ay toogteen ciidanka uu hubeysanaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya Ciidamada amaanka ay ku raadjoogaan ragga goobta ka baxsaday.