Somali News

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo howlgallo ka sameeyay Koofurta Mudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgal ka dhan Al-shabaab ka sameeyay Deegaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay Deegaannada Laas-gacameey, Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21 ee Duleedka Bacadweyne halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidankaas maanta huggaamineeysay ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in Al shabaab ka isaga baxeen Deegaannadaasi.

Howgallo ballaaran ayaa jabsocda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud iyo Hiiraad, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Dadka shacabka iyo Ciidamada Dowladda.