Somali News

Ciidanka dowlada oo xubna katirsan AS kudilay G/Jubada Hoose

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Xubnaha la dilay waxaa ku jiray horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir ayaa xaqiijiyey dilka kooxdaan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Alshabaab.