Somali News

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgallada ay Ciidanka Xoogga oo kaashanaya dadka shacabka ah ka wadaan Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanka Labi-dulle oo qiyaastii 16km u jira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hoggaameysa Howgalka ayaa sheegay in si nabad ay kula wareegeen deegaankaasi, ka dib markii ay isaga baxeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Taliyaha Ciidanka  Xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug, sida lagu sheegay qoraal kooban lagu daabacay Bogga Idaacadda Ciidamada.

Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxaa uu weli ka socdaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.