Somali News

Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaano dhaca Koofurta Mudug

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaalameyaasha Al-shabaab ka saarey deegaano dhaca Koofurta gobolka Mudug.

Deegaanada deegaanada laga saaray Al-shabaab waxaa kamid ah Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa Koofurta Mudug,tuulada cadaleey,waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur,Buurta Yacgoos iyo kuwo kale oo istaraatiiji ah .

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa haatan kaabiga ku haya Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen muddo sanado ah.