Somali News

Ciidanka Militeriga iyo macaawiisleyda oo dhaqdhaaqyo ciidan ka wada Magaalada Caad

Ciidamada Militeriga Soomaaliya oo garabsanaya Daraawiishta maamulka Galmudug iyo Macawiisleyda ayaa maanta dhaqdhaaqyo ciidan ka wada magaalada Caad ee Koofurta gobolka Mudug, halkaasi oo maalin ka hor weerar ku qaadeen Al-shabaab.

Dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa waxaa kadhashay khasaaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Wararkii u dambeeyay ee deegaankaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamo badan ka soo kala baxay magaalooyinka dhuusamareeeb iyo gaalkacyo ay gaareen deegaanka Caad, iyaga oo halkaasi howlgallo ka billaabay.

Ciidamada gaaray deegaanka caad ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo horay usii joogay deegaankaas oo isugu jira ciidanka xoogga iyo Macawiisleeyda, kuwaas oo maalin ka hor dagaal culus kula galay gudaha deegaankaas xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka.