Somali News

Ciidanka NISA oo qabtay gawaari agab u siday deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.

Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in agabka loo waday deegaannada ay maamulan Al-shabaab.