Somali News

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay bariga gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Cali Candhoole , Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji dhagax ee bariga Galgaduud.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalka ku jireen waxay soo saareen Miinooyin ay ku aaseen deegaannada howlgalka laga sameeyay.

Taliyaha Guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid, Gaashaanle Maxamed dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.