Somali News

Ciidamada xoogga oo howlgalo ka fuliyay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga dalka ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay howlgalo qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgalada ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka Xooga Dalka ayaa gudaha u galay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, islamarkaana waxaa ay la wareegeen deegaano shacabka lacago ay uga qaadi jireeen Al-shabaab.

Deegaanada ay ciidamadu gaareen waxaa kamid ah Tulooyinka Godale, Cadalay,Luqamaan,Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga deegaanka Toora-Toorow ee gobolka Shabeelada Hoose, sida ay daabacday wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deeganadaasi ka sameeyeen ciidamada xooga,wuxuuna xusay in Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxsadeen.

Saraakiisha ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada xoogga ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka Al-shabaab oo ay ka sameynayaan Gobalka Shabeelaha Hoose.