Somali News

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka billaabay Gobolka Gedo

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka saameeyay deegaano hoos yimaada degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ururka 48-Aad Guutada 10-Aad Ee Kusugan Degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Ayaa Sameeyay Hawlgal lagu xaqiijinayay Amniga Degmada Buurdhuubo Iyo Degaanada Ku Xeeran.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in baadi goobayeen rag ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannadaasi, isla markaasna halkaasi isaga tageen.

Gobolada dalka ayaa waxaa ka socda howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin.