Somali News

Ciidanka Xoogga oo xubno ka tirsan Al-shabaab ku dilay deegaan hoos yimaada Xarardheere

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka degmada Xarardheere ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baraag- Cali Gaduud ku dilay 10 xubin oo ka tirsan  Al-Shabaab.

G/Sare Cabdiraxmaan Jimcaale oo horgacayay howgalkan qorshaysan ee laga fuliyeen deegaankaas 40 KM u jira magaalada Xarardheere,  iyada oo halkaasi ku qabsaday 4 qori oo ah AK47 iyo qoriga nooca Baasuukaha ah(Saban).

Sanaadda ciidan ee laga furtay ayaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah.