Faalooyin Somali News

Cilmi-baaris: Soomaaliya kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho-KNN-Cilmi-baaristaan waxaa sameeyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo fadhigiisu yahay magaaladda Muqdisho, macluumaadka cilmi-baarista oo kooban ayuu machadku u qoray sida:-

Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh.

Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah.

Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay si joogto ah ugu fashilantay in ay iska rogto heeryada qabiil wax-ku-qaybsiga ee siyaasadda, ayna u gudubto si kama-danbays ah doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah. Soomaaliyana waxa ay ahayd, waddan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah hiddo u leh, kuwaas oo soo bilaabay markii gobanimada la qaatay 1960. Weliba, madaxweynihii kowaad ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrika ee doorasho looga adkaado, kaas oo muran la’aan aqbala in laga cod-badiyey.

Madaxweyne Aadan Cadde, waxa uu weliba diidey isku dayo taageerayaashiisa ay doonayeen in ay ugu qiil-dayaan si uu xukunka u sii hayo, isaga oo uga gol lahaa in uu xididada u sii aaso, dimuqraadiyaddii curdanka ahayd.

Taariikhdaas fog oo ay Soomaalidu u lahayd doorashooyinka awgeed, waxaan adkayn in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah intii afartii sanaba mar la doon-doonayo hannaan doorasho oo dani-ku-badday ah. Iyada oo wax ka yar labo sano ay ka harsan yihiin doorashooyinkii u muddaysnaa sannadka 2020-ka ee labada aqal ee baarlamaanka iyo middii madaxweynaha oo ay tahay in la qabto inta ka horraysa 8-da Febraayo 2021-ka, mar kale ayay Soomaaliya ku timid xilli ay la rafanayso su’aasha ah: ma sidii la ahaa ayaa lagu sii jiraa iyo hannaanka beelo wax ku qaybsiga ee 4.5 mise waxaa loo ruqaansadaa qaab-doorasheed muwaadinku yahay midka siyaasadda ku haga hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah.

Maaddaama hannaanka qabiil wax ku qaybsigu uu yahay mid aan jid iyo jaho la yaqaan lahayn, ayna adkaanayso in la is-waafajiyo in la codeeyo, haddana qabiil la tixgeliyo, isla markaana codadkaas kuraas baarlamaan loo baddelo, ma fududaanayso in la allifo hannaan doorasho oo 2020 lagu hawl-galo, iyo in qof kasta la qanciyo.1 Xitaa haddii aysan dhacin doorasho qof iyo cod ah, ma aha in laga maago guda-galka ka xaajeysiga, hannaan heshiis lagu yahay oo ilaa xad, xor iyo xalaal ah oo lagu wejihi karo doorashooyinka 2020- ka.

Machadka Heritage waxa uu soo bandhigayaa daraasaddan, isaga oo wax ku darsanaya doodaha ka dhex socda inta siyaasadda ku leh jaangoynta ama saamaynta iyo shacab-weynahaba, kuwaas oo ku saabsan hannaanka ugu mudan ee dalku ku gali karo dorashooyin, 2020-ka. Marka aan rog-rogney maxsuulka daraasadda nooga soo baxay, isla markaana aan si qoto-dheer uu daraasayney xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalka, waxaan oran karnaa, waxaa jira saddex arrin oo aad mooddo in si baahsan la isugu waafaqsan yahay:

Kow, inta badan dadka siyaasadda ka shaqeeya ee Soomaaliyeed2 iyo bulshada caalamkuba ma taageersana in baarlamaanka hadda jira iyo xukuumaddu xiliga kororsadaan, waayo waxaa la aamminsan yahay in xilli-kororsi uu dhaawacayo aqoonsiga dowladnimada Soomaaliyeed ee ku meel-gaarka ka baxday, uuna albaabka u furayo kororsiyo kale ee mustaqbalka. Waxa ayna u dhow dahay muddo ku darsi in uu khal-khal siyaasadeed horseedo, dib-u-dhac iyo ragaadinna uu u keeno geeddi-socodka iyo dhaqanka dimuqraadiyeynta dalka.

Laba, waxaa lagu qanacsan yahay in aysan suurtogal ahayn in la qaban-qaabiyo muddo- xileedka sannadka iyo barka ah ee ka hartay xukuumadda Farmaajo, doorasho dalka oo dhan ah, qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah.

Saddex, waxaa kale oo si baahsan loo tilmaamayaa daraasaduna ayidaysaa, haddii ay jirto rabitaan siyaasadeed in saamileyda siyaasadeed ee dalka, sida dowladda federaalka, maamul-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed4, in ay weli haystaan waqti ay ku geli karaan wada xaajood rasmi ah, si ay uga heshiiyaan hannaanka doorasho ee ku habboon cod-bixinta 2020-ka; maaddaama waqti badan aanu harsanayn, waa lagama maarmaan in saamileyda iyo saameeyayaasha siyaasaddu ay u deg-degaan go’aan ka gaarista qaabka lagu galayo doorashada soo socota.

Intii aan cilmi-baarista wadney, afar nooc doorasho oo Soomaaliya laga hirgelin karo ayaa noo soo baxday. Waxyaabo badan oo hannaan doorashooyinkaas ay ka midaysan yihiin ayaa jira, sida in ay nodqaan kuwo xisbiyo ku salaysan iyo in ay hannaan qaybsiga beelaha ee 4.5, haddaysan si dhammaystiran u dhowrin, ay qaybo ka tixgeliyaan, in kasta oo in xisbiyo siyaasadda looga hawl-galo iyo in beel wax lagu qaybsado ay yihiin laba aan meel wada geli karin. Inta badan dadka aan daraasaddan ku waraysannay, waxa ay tilmaameen in hanaanka 4.5 ee ah in qabiilka wax lagu qaybsado uu yahay mid danbeeya, oo horumarka iyo ilbaxnimada aan la jaan-qaadi karin.

Sidaas oo ay tahay, in badan waxa ay haddana carrabka ku adkeeyeen, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah in habka 4.5 ee wax-qaybsiga uu yahay midka ugu fudud ee wax loogu qaybin karo – qaab loo dhan yahay laguna dhan yahay – dalka Soomaaliyeed ee nugul iyo Soomaalida dagaalka ka soo kabanaysa. Weliba, in kasta oo hannaanka 4.5 uu yahay mid la dhaliilo, sidaas oo ay tahay, waxaa loo arkaa mid xasiloonida qayb ka ah, waayo, waxa uu beelaha intooda badan u abuuraa dareen ah isku-dheelli tirnaan, maaddaama ay meesha ka maqan tahay qaab wax qaybsi oo la isla ogol yahay.

In kasta oo aan ku dadaalney noocyada doorasho ee Soomaaliya ay qaadan karto 2020-ka in aan afar nooc isugu duwno, haddana xaqiiqadu waxa ay tahay in doorashooyinka (dimuqraaddiga ah) ee caalamku ay raacaan habab la yaqaan sida matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation), nooca hal-dheerida ah iyo doorashada isku-dhafka ah. Saddex ka mid ah noocyada doorasho ee ay daraasaddu soo bandhigtay ee ay Soomaaliya qaadan karto, waxa ay la bah ama nooc yihiin hannanka matalaadda isku dheeliga tiran, halka nooc- doorasheedka 4-aad uu la qaab yahay hannaanka hal-dheerida lagu kala guulaysto.

Caqabadda Soomaaliya la hartay, loogana baahan yahay in ay casriyayso waa qaabka siyaasadeedka dalka, oo waa in laga koraa in siyaasaddu hayb ku salaysnaato.

Si ay dalka uga dhacdo doorasho hufan, xor, xalaalna ah (hadday doonto yaysan noqon middii caalamku yaqaanney ee qofka iyo codka ahayd), afarta nooc-doorasho ee aan soo bandhignay, waxa aan ku salaynay shuruudaha ama hal-beegyada hoose:

• Noocii doorasho ee la qaataaba waa in uu noqdaa mid aan uga sii darayn xaaladda Soomaaliya;

• Hannaankii codayn ee lagu heshiiyaaba waa in uu dalka saaraa, waddadii gaarsiin lahayd, doorasho qof iyo cod ah;

• Habkii doorasho ee lagu dhaqmayo 2020 waa in lagu dhan yahay gaar ahaan haweenka iyo iyo dadka laga tirada badan yahay waa in ay helaan matalaadda ay mudan yihiin;
• Nooca doorasho ee 2020-ka la qaadanayo waa in uu ku salaysnaadaa hannaanka xisbiyada;
• Noocii doorasho oo la qaato waa in uu yahay mid la hir-gelin karo, oo suurtogal ah
• Noocii doorasho oo lagu heshiiyo waa in uu noqdaa mid dad badan ay codayn karaan;
• Noocii doorasho ee 2020-ka dalku isticmaalayo waa in uu noqdaa hannaan ku yimid wadahadal iyo isla- qaadasho ay heshiis ku yihiin saamileeyda siyaasadda dalka;

Waxa aan saamileeyda (stake-holders) siyaasadda dalka u naqaan: xukuumadda, labada aqal ee baarlamaanka, maamul- goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan. Hannaanka doorasho oo la raacayo, waxaa kale oo uu u baahan doonaa in uu yahay mid deeq-bixiyayaasha dimuqraadiyadda ku dhisan ay maal-gelin u quuraan, hufnaanna ay ka dhex arki karaan.

Nooc-doorashaadkii la doono halla qaatee, waxa aan is qaadan karin doonidda in badan oo Soomaalida ka mid ah ay doonayaan in xisbiyo loo gudbo iyo in hannanka wax- qaybsiga ee 4.5 lagu sii socdo. In hannaanka xisbiyada si sax ah loo guda galo, looguna shaqeeyo iyo in beel kasta ay hesho xildhibaanada ay hadda haysato waa arrin aan la is waafajin karin, waana arrin jaah- wareer u keenaysa xisbiyada siyaasadeed iyo musharixiinta doonaya in la doorto.

Si kastana xaalku ha noqdee, baahida loo qabo doorasho hufan iyo in xasiloonida lagu dadaalo iyo is-wadashada Soomaalida ayaa khasbaysa farsamo-cilmiyaysan iyo isku- tanasul lagu hawl-galo, nooca doorasho haba noqdee, mid aan ahayn, qof iyo cod, balse ah mid lagu meel-gaari karo ama loo qaateen ah.

Ugu danbayn, noocuu doono ha noqdee, si mid ka mid ah afarta nooc loo hirgeliyo, waxaa lagama maarmaan ah in in saamileyda iyo saameeya-yaasha siyaasadda Soomaaliya ay wadatashi galaan, hal hannaan-doorashana ku heshiiyaan.

Haddii wada-xaajood iyo heshiis la waayo, waxa ay taasi albaabka u furaysaa dowladda Soomaaliya (xukuumad iyo baarlamaanba) in ay lumiyaan citiraafka, in uu xumaado xiriirka saamileeyda (dowladda dhexe, gobolada iyo xisbiyada) iyo in ay suurtagal noqoto in ay bilaabato xasilooni darro salka ku haysa loolan awood iyo khayraad.