Somali News

Ciyaarta kama dambeysta Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay Cayaartii kama dambayska ahayd (Final) ee Berri ay wada Cayaari lahaayeen Kooxaha Hirshabeelle iyo Galmudug kaddib qoraal ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

Xiriirka ayaa sheegay in Cayaarta dib loo dhigay laba maalin taasi oo ka dhigan in la Cayaari doono 29ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah.

Sidoo kale waxaa la baa bi,iyay utartanka Kaalinta Saddexaad lamana sheegin sababta ka dambaysay Arrintaan.

Maalinta Isniinta ah ayaa Muqdisho martigelin doonta Cayaar xiisa badan islamarkaana Koob la guddoonsiin doono naadiga ku guulaysata Koobka Tartanka Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.