Somali News

Daadad dad ka barakiciy shabeellada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dadka  ku noola tuulada Bayaxow oo hoostagta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe ay ka barakaceen guryahooda, kadib markii uu ku fatahay webiga shabeelle.

Roobab xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Gobolka iyo webiga oo karkaarrada jabsaday ayaa sababay in bedi xaafadihii dadku ay deganaayeen uu daad kusoo rogmado.

Mas’uuliyiinta deegaankaas iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxay codsanayaan in loo gurmado  dadka biyaha ka soo cararay oo hadda wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Shacabka ku nool tuulada Bayaxow ayaa waxay yihiin beeraley ku noolaa tacabka, waxaana sanadihii ugu dembeeyay saameeyay isbedalka cimilada ee Gobolka geeska Afrika.

Wararka aynu ka heleyno deegaankaas waxay sidoo kale sheegayaan beero fara badan ay hadda daadadku jareen.

Dhinaca kale, dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxay odoyaasha iyo wax-garadka deegaanka waxay ka codsadeen in ay u sameeyeen samata-bixin iyo kaalmo bani aaddannimo.