Somali News

Daadad ku dhuftay dalka Niger

Muqdisho-KNN-Dowladda Niger ayaa sheegtay in daadadkii dhowaan ka dhacay caasimadda dalkaas Niamey, ay boqollaal kun ku qasbeen inay guryahooda ka barakacaan.

Tirada dadka ku dhintay daadadka ayaa kor u dhaaftay 45 ruux .

Qeybo ka mid ah magaalada ayuu daadku harqiyay, kaddib markii Webiga Niger uu karkaarrada jabsaday.

Roob xooggan oo da`ay ayaa tan iyo Talaadadii geystay burbur xooggan.

Kooxaha samatabixinta ayaa caawinaya dadka ay saameeyeen daadadkaas.

Wakaaladda AFP ayaa werisay in dowladda Niger ay bishii la soo dhaafay soo saartay digniin ku aadday in ilaa 300,000 oo qof ay khatar ugu jiraan daadad ku dhufta dalkan.