Somali News

Daawo: Ganacsatada ugu waaweyn Muqdisho oo soo dhaweeyey kala dirista maamulkii rugta

Muqdisho-KNN-Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaaf adag oo soo kala dhex galay rugta ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo soo shaac baxay markii ay wasaaradda ganacsigu kala dirtay maamulkii hore ee rugta, isla markaana magacaawday guddi doorasho ku qabta 60-cisho gudahood ah.

Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Muqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku taageereen go’aankii ay wasaaraddu ku kala dirtay maamulkii hore ee rugta ganacsatada, iyagoo ku eedeeyey musuq maasuq culus.

Guddoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo ka mid ahaa xubnihii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xubnaha cusub ee loo soo magacaabay inay 60-ka cisho ee soo socota doorasho guud qabtaan.

Hoos ka Daawo warbixin