Somali News

Daawo khudbadii uu maanta MW Xasan Sheikh ka jeediyay shirkiisii Jaraa’id

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladda uu dalku ku jiro.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed eek u nool magaalada Kismaayo lana saaray cuna qabateynta ay dowladdu nasiib darro wayn ka wajaheyso, maadaama ay ku sifowday dowladd shacabkeedii cuna qabatayneysa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu Xasan Sheikh ku eedeeyay in ay gabi ahaanba baal mareen sharuucdii dalka.

Shacaka Muqdisho ayuu sheegay in nolosha ay ku adkaatay ka dib markii Wadooyinka laga xiray, islamarkaana hadda ay wajayaan xaalad adag oo ay macquul tahay in ay sababto kacdoon dadweyne.

Halkaan ka Daawo:-