Somali News

Farmaajo: Heshiis walba oo ka soo baxa Dhuusamareeb BF ayaan kula soo laaban doonaa

Muqdisho-KNN-Waxay aheyd khudbad kooban oo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay wada sugayeen marka la eego waqtiga xasaasiga ah ee uu ku soo aaday dalabka madaxweyne Farmaajo ee ah in uu golaha shacabka hor-tago.

Dad badan ayaa saadaalinayey qodoba kale oo dalka ka taagan waqtigaan in uu ka hadli doono, sida muda kordhin loogu sameeyo waqtiga uu soo magacaabayo Ra’iisul wasarihiisa oo sagaal maalmood ay ka harsantahay ama mudo kordhin loo sameeyo hey’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Hasa ahaatee madaxweynaha oo arimahaas oo dhan ka hadlin waxa uu sheegay in isaga oo ka duulaya hadalkii uu ka sheegay gaba-gabadii shirkii Dhuusamareeb-2, ee ahaa in wixii lagu tashaday uu kula laabanayo baarlamaanka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay madaxweyne Farmaajo in xildhibaanada golaha shacabka ay yihiin aas-aaska dowladnimada Soomaaliya, wax kasta oo Dhuusamareeb uu kala soo kulmana uu kula soo laaban doono.

Halkan Hoose ka Daawo

https://www.facebook.com/KulmiyeOffical/videos/1087908151642331/?sfnsn=mo&d=n&vh=e