Somali News

Daawo: Rooble oo xilkii ka qaaday wasiir Cawad mid kalena magacaabay

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, wuxuuna magacaabay wasiir kale.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo uu akhriyey wasiirka warfaafinta.

Isla wareegtadan waxaa lagu sheegay in wasiirka xilka laga qaaday ee Axmed Ciise Cawad loo magacaabay xil safiir, inkasta oo aan wareegtadan lagu shaacin dalka loo magacaabay.

Hoos ka Daawo wareegtada

https://www.facebook.com/KulmiyeOffical/videos/172069294579412