Keydka Sawiradda

Daawo Sawirada Munaasabaddii Maanta lagu soo Wareejiyay Maamulka Hawada Soomaaliya

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golleyaasha kale ee Dowladda ayaa Maanta ka qeyb galay Xaflad lagu shaacinayay in Soomaaliya ay la soo Wareegtay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Awal laga Maamuli jiray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,waxaana Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya Xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.