Keydka Sawiradda

Daawo Sawirada Socdaalka M/weyne Waare ee Degmada Buula-barde

Buula-barde–KNN–Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Maanta tagay Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan ayaa la kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada AMISOM Qeybta Jabuuti,kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Buula-barde.
Madaxweynaha ayaa dhinacyada uu la kulmay kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Go’doominta Al-shabaab ay ku hayaan Magaalada Buula-barde iyo sidii looga qaadi lahaa,waxaana sidoo kale uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu tagi doonaa Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan islamarkaana sidoo kale ku jirta Go’doon.