Somali News

DAAWO:- Sawirada soo dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo ee Garowe

Garowe-KNN-Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Garowe ilaa Madaxtooyada Puntland waxaa saf dheer u galay boqolaal isugu jira Haween, dhalinyaro, iyo qeybaha kale ee Bulshada. Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Puntland ee caawa ka dhacaysa Puntland.