Keydka Sawiradda

Daawo Sawiro Naxdin leh Qaraxii ka dhacay Galabta Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana Qaraxa uu ka dhacay Iridka hore ee Ajabka Shidaalka lagu iibiyo oo dhanka Qorax u dhaca ka xiga Bacadlaha Xamar-weyne.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Dad Shacab ah oo xilligaa qaarkood saarnaa Gaadiidka Dadweynaha,waxaana Sawirada ka muuqanaya Baabuur Caasi ah oo Gubtay islamarkaana Dadkii Saarnaa ay Dhimasho iyo Dhaawac noqdeen.

Inta la og yahay Dadka Shacabkaa ee ku dhintay Qaraxa waxaa ay gaarayaan illaa 10,halka dhaawacu uu ka badan yahay 20 kale.

Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa la geeyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa Galabta,halka sidoo kale la geeyay Meydad Dhowr ah si Dadkoodii ay u helaan.