Somali News

Daawo – Shariif Xasan “Ma aqbalayno in doorasho hal wareeg ku dhamaata”

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo khudbad ka jeedinayay shirka musharixiinta uga soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal wareeg ah oo ku tilmaamay dhaqan waayadii ugu danbeeyay lala soo baxay.

“Mahdi Guulleed waxuu yiri Baydhaba hal wareeg ayaan ku guuleysanay, Baydhaba wixii ka dhacay waa la ogaa dad ayaa la xirxiray, wixii kale ee ka dhacayna waa ogeydeen, Galmudug inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Jowhar inkastoo iyadana dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa” ayuu yiri Shariif Xasan.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu doonayo in kaligiis uutartamo, isagoo sheegay in horay loo soo arkay nin kaligiis tartamay, balse la mahdin waayey.

 “Illaa Carta ayaan dowladnimada Soomaaliya ku soo dhax jiray, weli ma arag doorasho hal wareeg ku soo dhamaata, waxaan arki jirnay doorasho leysku daalo oo la baahdo oo wareegyo dhowr ah leysla maro, sidaa daraadeed doorasho hal wareeg ah waan diidnay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shariif Xasan.

Halkan Hoose ka Daawo

https://www.facebook.com/KulmiyeOffical/videos/184197909989744