Somali News

Dab xooggan oo ka kacay suuqa degmada Xamar weyne ee Muqdisho

Dab xooggan oo ka kacay suuqa degmada Xamar weyne ee Muqdisho ayaa lagu guulleystay in la damiyo.

Saraakiisha Dab-damiska ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan dabka xooggan oo dukaano badan burburiyay.

Mas’uuliyiinta ayaa KNN u sheegay inuu koronto ka dhashay dabka.