Somali News

Dad badan oo ku dhintay dagaalo ka dhacay dalka Chad

Ugu yaraan 23 qof ayaa lagu dilay isku horimaad dhexmaray xoolo-dhaqato iyo beeraley gobol ku yaalla koonfurta Chad.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dhacdooyinka ay salka ku hayaan muranno dhul iyo aano dilal hore u dhacay.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii xoolo dhaqato reer guuraa ah dilal iyo barakacin loogu geystay koonfurta Chad.

Dowladda Chad ayaa sheegtay in ay ku howlan yihiin sidii ay u kala dhex gali lahaayeen labada dhinac, xiisaddana loo dajin lahaa.