Somali News

Dad badan oo ku dhintay dagaalo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan

Ugu yaraan soddon iyo sagaal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal u dhaxeeya xoolo dhaqato ay dhaceen Koonfurta Suudaan. 

Iska horimaadka ka dhaca  waqooyi-galbeed gobolka Warrap ayaa sababay dhimashada 19 qof oo xoolo dhaqato ah oo, iyada oo ay halkaasi ku dhaawacmeen 17 qof kale. 

Dhinaca gobolka harada ee deriska la ah ayaa 20 qof ayaa ku dhinteen dagaalada, 36 dhaawacmeen sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolkaasi. 

Dowladda Koofurta Suudaan ayaa sheegtay in ay ciidamo faro badan ay kala dhex dhigeen maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamay deegaanada Koofurta.