Somali News

Dad badan oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay koofurta dalka Filibiin

Ugu yaraan 54 ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaasi ka badana waa la la’yahay ka dib markii dhulgariir xooggan oo ku dhuftay goob dahabka laga qodo oo ku taalla koofurta dalka Filibiin.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay in 63 qof la la’yahay, waxaana socda dadaalo lagu soo badbaadinayo dadkaasi.

Howlgalka baaritaanka ayaa waxaa caqabad ku noqday cimilo xumo iyo cabsida laga qabo in godadka ay dadka kale ku soo dumaan.

In ka badan 1,100 qoys ayaa laga daad gureeyay guryahooda, iyada oo laga cabsi qabo in ay sii kororto tirade dhimashada.