Somali News

Dad badan oo ku dhintay roob xooggan oo ka da’ay dalka Hindiya

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay, halka kumanaan kalena weli la la’ yahay ka dib markii  roobab xooggan oo daad wata uu ka da’ay gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya. 

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa weli raadinaya tiro badan oo weli ku go’doonsan guryaha burburay, ilaa hadda in ka badan 40,000 oo qof la soo badbaadiyay. 

Roobab mahiigaan ah ayaa jaray isku socodka dhowr degmo oo ka tirsan gobolka, biyaha Roobka ayana buux dhaafiyay guryaha iyo jidad Tareennada. 

Mas’uuliyiinta dowladda Hindiya ayaa sheegay in la filan karo roob kale xooggan, waxaana ay dadka shacabka ah uga digeen in ay ku dhowaadan dhismayaasha burburay.