Somali News

Dad badan oo ku dhintay xeebaha Jabuuti kadib markii laga daadiyey doontii ay la socdeen

Jabuuti-KNN-Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegtay in ugu yaraan sideed qof ay dhinteen, halka 12 kalena weli lagu la’yahay badda, kaddib markii mukhallasiin la socday ay ku daadiyeen meel u dhow xeebta dalka Jabuuti.

Doonta ayaa waxaa saarnaa in ka badan 30-qof, kuwaas oo loo maleynayo inay Itoobiya ka soo jeedaan.

Dadkaas ayaa isku dayayey inay ku soo laabtaan dalalka Bariga Afrika, iyagoo ka yimid dhanka dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay hey’adda IOM ayaa sheegay in 14-qof oo bad-baaday haatan lagu daweynayo isbitaallada dalka Jabuuti.

Ilaa 14,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa haatan ku xayiran dalka Yemen, kuwaas oo isku dayaya inay ku laabtaan dalalkoodii.

Dadkaas ayaa intooda badan laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga, iyadoo boqortooyadu ay ku andacooneyso in tarxiilka dadkaan hoos loogu dhigayo  saameynta cudurka Coronavirus.