Somali News

Dad badan oo lagu dilay toogasho ka dhacday Czech

Nin hubeysan ayaa 14 qof ku dilay 25 kalena dhaawacay jaamacad ku taal magaalada Prague ee Jamhuuriyadda Czech.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa 24-sano jir wax ka baranayay Jaamacadda, islamarkaana uusan horay u laheyn wax dambi ah.

Aabaha dhalay eedeysanaha ayaa meydkiisa la helay.

Booliiska ayaa sheegay in aysan weli heyn xogta sababta keentay in ninkaan uu toogashada geysto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Czech ayaa ku dhawaaqay baroordiiq hal maalin ah oo ah Sabtida.